Waa sidee xaalada Claudio Marchisio ee kooxda Juventus?

(Torino) 29 Maarso 2018 Claudio Marchisio ayaa ka baxay qorshaha joogtada ah ee shaxda tababare Allegri kadib dhaawac hareeyay laacibka.

32 jirkaan ayaa la la xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo horyaalka maraykanka ee MLS kadib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxdiisa Juventus.

Laakiin aabaha dhalay Claudio Marchisio ayaa xaqiijiyay in wiilkiisu uu kula jiro Juventus heshiis ay ka harsan tahay 2-sano, wuxuuna soo muujiyay inuu sii joogayo kooxdiisa.

“Claudio waa dagan yahay waqtigaan, ilaa dhawr bilood xaaladiisu waa mid wanaagsan, si dhab ah ayuu u shaqaynayaa marwalba laakiin tababare Allegri isaga ayaa iska leh go’aankiisa” ayuu yiri aabaha dhalay laacibka Juventus.

“Heshiis 2-sano ah ayaa uga harsan qandaraaskiisa Juventus, wuxuu doonayaa inuu ixtiraamo heshiiskiisa inkasta oo laga sheegayo warar suuqeed badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close