Waa sidee xaalada Alvaro Morata ka hor kulanka Tottenham???

(London) 29 Maarso 2018. Tababare Antonio Conte ayaa shirkiisa jaraa’id maanta ku sheegay in Alvaro Morata uu boqolkiiba boqol diyaar yahay.

Xiddiga reer Spain ayaa ka faa’iideystay intii ay ciyaartoyda ku maqnaayeen waajibaadka xulalkooda maadaama aan isaga loo yeerin.

Morata ayaa sidii uu u dhashay sanadka cusub ku dhibtoonayay inuu helo qaab ciyaareedkiisa fiican inkastoo uu la dhibtoonayay dhibaato dhabarka ah.

Yeelkeede, Macallinka reer Talyaani ayaa sheegay in waqtiga kulamada caalamiga uu aad muhiim ugu ahaa Morata.

“Waqtigan aad ayuu muhiim ugu ahaa Morata. Si fiican ayuu u shaqeeyay wuxuuna doonay inuu si adag u shaqeeyo,” 28-jirka ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

“Dhibaato dhabarka ah ayuu ku maqnaa bil iyo bar. Iminka dhabtii waa taam 100%, wuxuuna diyaar u yahay inuu qaato waqtigii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka intaa kaddibna uu helo fursad looga yeero koobka adduunka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close