Valverde oo ka yaabiyay Messi ka hor kulanka Sevilla

(Barcelona) 29 Maarso 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Valverde ayaa ka yaabiyay Messi ka hor kulanka kooxdu ay u safrayso sabtiga kooxda Sevilla.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in tababare Valverde uu go’aansaday in Messi uu ku soo daro liiska ciyaartoyda ka hortagaya Sevilla.

Tababaraha reer Spain ayaa ka war haaya dhaawaca Messi, wuxuuna ka cabsi qabaa in dhaawucu uu sii xoogaysto, sidaas oo ay tahay wuxuu go’aansaday inuu ku daro liiska ciyaartoyda ciyaaraya kulankaas.

Messi ayaa dhaawac ku seegay kulamadii xulka qaranka Argentina uu la ciyaaray isbuucaan xulalka talyaaniga iyo waliba Spain.

Lam hubo in laacibka la ciyaarsiinayo kulanka Sevilla inkasta oo uu ka qayb qaatay tababarka buuxda ee kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close