UEFA oo diiday inay tilaab ka qaado kooxda Atalanta kadib cunsuriyadii Michy Batshuayi

(Zurich) 29 Maarso 2018 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa soo gaba gabeeyay xaqiijin uu ku haayay in taageerayaasha kooxda Atalanta ay cunsuriyeeyeen Michy Batshuayi.

Laacibka amaahda ugu ciyaara Borussia Dortmund ayaa ka cabtay cunsuriyad ay ku la keceen taageerayaasha kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa koobka Europa League.

Taageerayaasha ayaa la sheegay inay u qaylinayeen sidii daanyeerkii oo kale marwalba oo uu kubadda taabto Michy Batshuayi.

Laakiin UEFA ayaa ugu danbayntii diiday inay ganaaxdo kooxda Atalanta kadib markii lagu waayay wax danbi ah sida la xaqiijiyay.

Masuuliyiin joogay gudaha garoonka ayaa xaqiijiyay inaysan maqlin codka daanyeerka intii ay socotay ciyaarta, sidaas darteed UEFA ayaa si rasmi ah u xirtay qadiyadaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close