Simeone oo siinaya Barcelona fursad ay ku qaadan karto Antoine Griezmann

(Madrid) 29 Maarso 2018 Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa la taliyay Antoine Griezmann, wuxuuna uga digay inuu ku biiro Real Madrid.

Laacibka ayaa la sheegay inuu heshiis la gaaray kooxda Barcelona si uu ugu biiro dhamaadka xiliciyaareed kaan, laakiin Real Madrid ayaa wali raajicinaysa fursad ay Barca uga dul qaadi karto Antoine Griezmann.

Diego Simeone ayaa u arka culays in Antoine Griezmann uu ku biiro Real Madrid oo ay kala dhexeyso cadaawad badan, wuxuuna doonayaa in laacibku uu ku biiro Barcelona sida ay baahisay Express.

Qorshaha tababaraha reer Argentina ayaa faa’iido u ah kooxaha Barcelona iyo Machester United oo Real Madrid ku la tartamaya saxiixa weerar yahanka reer France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close