Samuel Umtiti oo ku sii dhawaanaya Manchester United iyo Barcelona oo….

(Europe) 29 Maarso 2018. Samuel Umtiti ayaa ku sii dhawaanaya kooxda Manchester United iyadoona la warinayo in Barcelona ay durba bilowday baadi goobka badelkiisa.

24-jirka ayaa loo arkaa inuu muhiim u yahay daafaca Barca kooxda ayaana dooneysa inay xafidato.

Yeelkeede, Sport ayaa iminka warineysa in camaaliqada Spain ay bilaabeen baadi goobka badelka daafaca reer France.

Agaasimaha Barcelona Robert Fernandez ayaa daawaday kulamadii Holland ee saaxiibtinimo iyo ciyaartii ugu dambeysay ee naadiga Ajex si uu u daawado daafaca dhexe ee Matthijs De Ligt 18-jir.

Sidoo kale 19-jirka reer France Dayot Upamecano, ee daafaca uga ciyaara RB Leipzig ayaa dooq kale u ah Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close