Sababta keentay in Vardy uu xirto Kobaha uu ku qornaa Cristiano Ronaldo oo daaha laga rogay

(England) 29 Maarso 2018. Jamie Vardy ayaa la arkayay isagoo xiran Kobaha Cristiano Ronaldo ‘CR7’ kulankii saaxiibtinimo ay dhawaan bar baraha 1-1 la galeen xulka Talyaaniga.

Weeraryahanka Leicester City oo baryahaan gool u dhalin xulkiisa ayaa dhaliyay goolka qura uu xulkiisa la yimid kulankii Saaxiibtinimo.

Balse intii uu dabaal degayay ayaa waxaa la soo qabtay inuu xiran yahay Kobo uu ku qoran yahay CR7, laacibka Real Madrid.

Daily Mail oo iminka daaha ka rogtay sababta rasmiga ah ayaa sheegeysa in xiddiga reer England uu khilaaf kala dhexeeyo shirkadda uu kobaha u xayaysiiyo ee Nike.

31-dii June kulan ay guul darro kala kulmeen Everton ayuu Vardy siibay kobihii uu xayaysiinta u sameynayay.

Nike ayaa u soo bandhigtay Naqshad cusub oo kabo ah, balse lama uusan dhicin isagoona bilaabay inuu suuqa ka soo iibsado kobaha uu isaga doono kuwaa oo noqday kuwa uu ku qoran yahay xiddiga 5-ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close