PSG oo ku dhaw dhamaystirka saxiixa laacib ka tirsan Monaco

(Paris) 29 Maarso 2018 Kooxda reer France ayaa markale ka soo dukaamaysanaysa kooxda AS Monaco oo suuqii xaggaaga ay ka la wareegtay Mbappe.

PSG ayaa u dhaqaaqaysa soo xerogalinta laacibka reer Brazil ee Fabinho kaas oo ku fashilmay inuu ka tago Monaco xaggaagii hore.

Image result for fabinho PSG

Maamulka PSG ayaa u arka 24 jirkaan laacib ku haboon inuu buuxiyo booska Thiago Motta oo da’ahaan kor u sii socda.

Qiimaha Fabinho ayaa lagu qiyaasaa 40 milyan oo euro, laakiin PSG ayaa loo lan culus ka la kulmaysa kooxda Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close