Mourinho oo kala doortay Alex Sandro, Danny Rose iyo Kieran Tierney.

(Manchester) 29 Maarso 2018. Jose Mourinho ayaa baadi boog ugu jiro daafac kaga ciyaara garabka Bidixi oo uu ku badelo Luke Show.

Warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in Daafaca Juventus ee Alex Sandro uu ka doorbidayo labada kale ee liiska ugu jirta ee Danny Rose iyo Kieran Tierney.

Red Devils ayaa loo saadaaliyay inay Sandro ka soo kaxeysan doonto camaaliqada Talyaaniga kaddib shakigii hareereeyay mustaqbalka daafaca reer England.

Bishii Janaayo, United ayaa ka baxday qorshahaas maadaama uu bandhig cajiib ah la soo baxay Shaw.

Lakiin wiilka reer Engladn ayaa meeshiisii ku laabtay iyadoo dhalaaceymaha joogtada ee Jose Mourinho ay u sii dhaweyneyso inuu albaabka ka dago.

Sandro, daafaca Tottenham ee Rose iyo midka Celtic Tierney ayaa dhammaan lala xiriirinayay inay Shaw ka badelaan booska.

Manchester Evening News ayaana iminka warineysa in Mourinho uu doorbidayo daafaca reer Brazil ee kooxda Juve Sandro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close