Maxaa lagu ciqaabay Madaxwaynaha PAOK kaddib markii uu Bastoolad la soo galay Garoonka??

(Greek) 29 Maarso 2018. Madaxwaynaha naadiga PAOK ee dalka Greek Ivan Savvidis ayaa saddex sano laga ganaaxay kubbada cagta kaddib markii uu garoonka la soo galay Bastoolad.

Dhacdada ayaa ka soo muuqatay kulan ay PAOK la yeelatay AEK Athens horaantii bishan kolkaa oo gool laga diiday kooxda Savvidis.

Madaxwaynaha mayilka adag ayaa labo jeer garoonka soo galay iyadoo ay i xiran tahay Bastoolad waxaana cel celinayay ilaaladiisa.

Saddexda sano ee la ganaaxay waxaa u dheer in naadigiisa iyana laga jaray Saddex dhibcood horyaalka Greek.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close