Kooxo badan oo ku dagaalamaya saxiixa Jack Wilshere

(London) 29 Maarso 2018 Kubadd abuuraha kooxda Arsenal ee Jack Wilshere ayaa diirada u fuulay kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub.

Qandaraaska 25 jirka reer ingiriis uu ku la jiro kooxdiisa Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, laacibka ayaana diiday inuu u kordhiyo heshiis cusub kooxdiisa.

Wilshere ayaan la dhicin mushaar dhimis ay ku samaysay Arsenal, wuxuuna doonayaa in kooxdu aysan dhimin mushaarkiisa oo ah 100 kun oo Ginni isbuucii.

TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in Everton ay hogaanka u hayso saxiixa Jack Wilshere, sidoo kale Juventus iyo AC.Milan ayaa qayb ka ah tartanka.

Laacibka ayaa sheegay inuu jecel yahay sii joogida kooxdiisa Arsenal laakiin dhibaatada dhanka mushaarka ayaa ku qasbi kara inuu ka tago dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close