Kooxaha talyaaniga oo digtoonoow galay kadib markii uu ku dhawaaqay Hatem Ben Arfa inuu ka tagayo PSG

(Milan) 29 Maarso 2018 Kooxaha reer talyaani ayaa galay xaalad digtoonoow ah kadib markii Hatem Ben Arfa uu maanta ku dhawaaqay inuu ka tagayo PSG.

Qandaraaska Hatem Ben Arfa ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, laacibka ayaana go’aansaday inuu isaga tago caasimada faransiiska.

Football Italia ayaa daaha ka qaaday in kooxaha Roma iyo Inter Milan ay galeen xaalad digtoonoow ah kadib markii Hatem Ben Arfa uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo PSG.

Labada kooxood ayaa si wayn ugu dagaalami doona saxiixa laacibkii hore ee Newcastle United kaas oo ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close