Harry Kane oo ka hortagi kara Chelsea iyo tababare Mauricio Pochettino oo ka hadlay

(London) 29 Maarso 2018 Chelsea ayaa axada marti qaadi doonta kooxda Tottenham isbuuca 31-aad ee kulamada horyaalka ingiriiska.

Tottenham ayaa la filayaa inay dib u hesho weerar yahankeeda Harry Kane kulankaas culus, laakiin tababre Mauricio Pochettino ayaa shaki galiyay taam ahaan shihiisa.

Tababaraha Tottenham ayaa sheegay in la qiimayn doono xaalada weerar yahanka reer ingiriis, wuxuuna intaa ku daray inuusan xaqiijin karin taam ahaanshihiisa iyo maqnaashadiisa intaba.

“Waa inaan sifiican u fiirinaa xaaladiisa, dhawr maalin ayaa ka harsan kulankeena soo socda, wayna adag tahay in la xaqiijiyo taam ahaanshihiisa iyo maqnaashadiisa intaba” ayuu yiri tababare Mauricio Pochettino.

“Suurogal ma ahan inaan dhahno waa uu ciyaarayaa iyo waa uu maqnaanayaa, laakiin waa wax cad inuu soo wanaag sanaanayo maalinba maalinta ka danbaysa”.

“Haddii uusan taam u noqon kulanka Chelsea waa la hubaa inuu taam u noqonayo kulanka xiga, waxaana haboon laacibku inuu daganaan muujiyo inta uu soo kabanayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close