Eden Hazard oo ay ka go’an tahay inuu..

(Europe) 29 Maarso 2018. Eden Hazard ayaa waqti dheer bartilmaameed u ah Real Madrid.

Wiilka reer Belgium ayaa kal ciayareedkii tagay la saadaaliyay inuu ka tagi doono Blues isla markaana ku biiri doono Los Blancos balse lugta ka jabay taa oo soo afjartay rajada heshiiska.

Sida uu warinayo Don Balon in Hazard ay ka go’an tahay inuu xagaaga u dhaqaaqo Real Madrid.

Warsidaha ayaa sheegaya in 27-jirka uu doonayo inuu ku biiro camaaliqada Spain xitaa haddii uu Xilka Bernabeu ka tago Zidane ama laga ceyriyo.

Waxaana intaa lagu darayaa in Chelsea ay iminka isku diyaarineyso sidii ay Hazard uga faa’iideysan lahayd inay ku hesho Lacag iyo waliba Gareth Bale.

Xiddiga reer Wales oo keydka ka galay Real Madrid ayaa isna la sheegayaa inuu aad u doonayo inuu dib ugu soo laabto Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close