“Cristiano Ronaldo waa CAQLILOOW.”.

(Europe) 29 Maarso 2018. Haddii aad ogeyd in Cristiano Ronaldo uu Shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or waxaa u dheer inuu caqli badan yahay sida uu qabo goolhayahe Buffon.

Labada xiddig ayaa isku qaban doona wareega sideed dhammaadka Champions League bisha soo socota, goolhayaha reer Talyaani ayaana ammaan ugu qubeeyay kabtanka Portugal.

“Waqti kaddib Ronaldo wuxuu bartay sida loo hor mariyo nafsadiisa sida ciyaaryahan,’ Buffon ayaa sidaa yiri.
“Anoo xushmeynaya wixii uu horey u sameeyay, Ronaldo Tamar yar ayuu qarash gareeyaa iminka.

“Waan ka helaa isaga maxaa yeelay waa shaqsi waaqici ah oo ay cad yihiin wax kasta uu sameenayo iyo waxa uu oranayo.

“Waxaan aaminsanahay in sanadihii dhawaa uu muujiyay inuu caqli badan yahay, maxaa yeelay wuxuu badelay sida uu u ciyaaro.

“Waa mid halis ah, wax kasta uu sameenayo waa Boqolkiiba Boqol, goosha horteedana waa Dilaa isaga.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close