Bayern Munich oo Morata u aragta badelka Lewandowski

(Europe) 29 Maarso 2018. Bayern Munich ayaa badel haboon u aragta Alvaro Morata haddii uu kooxda ka tago Robert Lewandowski.

Inkastoo camaaliqada Germany ay ku adkeysanayso inaysan xiddigaheeda waa wayn iska iibineyn misane wararkii ugu dambeeyay saakay ayaa sheegaya in Lewandowski uu diyaar u yahay inuu u gudbiyo warqada uu kooxda kaga tagayo.

Haddii ay taa dhacdo Bayern ayaa u baahnaan doonta badelkiisa, AS ee ka soo baxda Spain ayaa sheegeysa in Morata uu ka mid yahay weeraryahanada shiishka u saaran.

 Bayern Munich are bracing themselves for sale of Robert Lewandowski in summer

Weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner ayaa sidoo kale liiska ugu jira kooxda xafidaneysda Bundesliga.

Dhaliyaha reer Germany ayaa goolka guusha ka dhaliyay mar ay labada kooxood ku kulmeen horyaalka Jarmalka labo usbuuc ka hor.

Bayern Munich ayaa sidoo kale waxaa bartilmaameed u ah weeraryahanka reer Uruguay ee kooxda PSG Endison Cavani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close