Barcelona oo 22-maalin gudahood ku ciyaaraysa kulamo badan iyo cadaadiska oo ku sii badanaya

(Barcelona) 29 Maarso 2018 Cadaadiska dhanka kulamada ayaa ku sii badanaya kooxda Barcelona kadib markii laga soo laabtay isbuucii xulalka.

Barcelona ayaa 22-maalin gudahood ku ciyaaraysa kulamo adag oo dhanka horyaalka, Champions League iyo waliba Final-ka Copa del Rey.

Kooxda tababare Valverde ayaa la ciyaaraysa Sevilla, Leganes, Valencia iyo Celta Vigo oo ah dhanka horyaalka Spain.

Waxaana intaas u sii dheer labada lug ee ay la ciyaarayso kooxda Roma iyo waliba kulanka Final-ka koobka boqorka Spain oo ay la ciyaarayso kooxda Sevilla.

Barcelona ayaa wajahaysa cadaadis kaas maadaama ay diyaar u tahay inay ku guulaysato xiliciyaareed kaan 3-koob.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close