Arsenal iyo Atletico Madrid oo ku dagaalamaya saxiixa laacib ka tirsan Barcelona

(Barcelona) 29 Maarso 2018 Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa isku garbinaya saxiixa laacib ka tirsan kooxda Barcelona.

Labada kooxood ayaa tartan ugu jira sidii ay u heli lahaayeen saxiixa Ousmane Dembele suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay ku la tartanto Arsenal lacagta ay ka hesho iibka Griezmann kaas oo lagu burburin karo qandaraaskiisa 100 milyan oo euro sida ay baahisay Diario Gol.

Tababare Diego Simeone ayaana diyaar u ah in kooxdiisa uu keeno Ousmane Dembele haddii ay iska iibiyaan weerar yahanka reer France.

Dhanka kale, ku biirida Griezmann ee Barcelona ayaa ka dhigaya Ousmane Dembele inuu ka tago kooxda, Arsenal ayaana diyaar u ah in laacibka ay la wareegto.

Arsene Wenger iyo Diego Simeone ayaa doonayay saxiixa Ousmane Dembele ka hor intii uusan ku biirin Barcelona laakiin markale ayeey ku dagaalami doonaan saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close