3-kamid ah ciyaartoyda Real Madrid oo ka horyimid in Neymar la keeno kooxda

(Madrid) 29 Maarso 2018 Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha Real Madrid, 3-kamid ah ciyaartoyda kooxda ayaan la dhacsanayn saxiixa Neymar.

Laacibka reer Brazil ayaa marar badan la la xiriiriyay kooxda Real Madrid tan iyo markii uu ka tagay Barcelona suuqii xaggaaga markaas oo uu lacag rikoor ah ugu biiray PSG.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Marco Asensio aysan jeclayn in Real Madrid ay la soo wareegto Neymar.

Ciyaartoydaas ayaa u arka inay haboon tahay in la keeno ciyaartoy aan horay cadaw uga dhigan Real Madrid maadaama Neymar uu 4-sano ka soo horjeeday Real Madrid waqtigiisii Barcelona.

Ronaldo ayaa si gaar ah u jecel in kooxdu ay la soo wareegto weerar yahanka Bayern Munich ee Lewandowski iyo Mohamed Salah midkood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close