SHEEKO WAALAN: Ronaldo oo ogaaday in Dhaawaca Messi uu…..!!!

(Madrid) 28 Maarso 2018. Messi iyo Ronaldo ayaa ku dagaalamayay abaal marinta Ballon d’Or tan iyo 2009 markii uu xiddiga reer Portugal ku soo biiray Real Madrid isagoo ka yimid Manchester United.

Labada xiddig ayaana lagu wadaa in sanadkan ay markale ku tartaman laacibka sanadka, kii ku guuleysta ayaana midka kale dheeraan doona hal xabo maadaama ay iminka wada heystaan min 5-Ballon d’Or.

Ronoldo oo meel hoose ka soo kacay ayaa iminka isha ku haya gool dhalinta La Liga maadaama uu saddex uun u jiro xiddiga reer Argentina.

Warar dhawaan ka soo ifbaxaya Spain ayaa tibaaxaya in Xiddiga Real Madrid uu ogaaday inuu malaha ka faa’iideysan karo walaaca dhaawac ee soo wajahay xiddiga ay xifaaltamaan.

Sida uu warinayo Diario Gol, in Ronaldo uu ka war helay in dhaawaca Messi uu ka khatar badan yahay sida ay dadku moodaan kaa oo sababatay inuu ciyaari waayo labadii kulan uu xulkiisa la yeeshay Talyaaniga iyo Spain.

Waxayna taa la micno tahay in la nasin doono Messi si uu taam ugu noqdo kulamada Champions League iyo World Cup.

Messi iyo Tababaraha Barca Ernesto Valverde ayaa sida cad ku heshiiyay in kabtanka Argentina uu ciyaari doono uun kulamada Muhiimka u ah kooxda La Liga.

Taas ayaana Ronaldo fursad u siineysa inuu soo jaro masaaxada yar ee gool dhalinta isla markaana ku guuleysto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close