RASMI: Fabio Capello oo ka soo tagay Shiinaha xilli lala xiriirinayo Arsenal

(China) 28 Maarso 2018. Fabio Capello ayaa ka soo huleelay naadigay Jiangsu Suning ee horyaalka Shiinaha kaddib heshiis ay wada gaareen labada dhinac sida uu warinayo Sky Italia.

Capello ayaa xilka u hayay kooxda ka dhisan horyaalka Shiinaha tan iyo bishii June ee 2017 kaddib markii lagu badelay Romanian Cosmin Olaroiu.

Tababaraha reer Talyaani ayaa ka soo tagay Jiangsu Suning kaddib markii uu si liidata ku bilowday  xilli ciyaareedka, maadaama ay kooxdu ku jirto kaalinta 12-aad kaddib 3-dhibcood ay ka heshay saddexdii kulan ee ugu horreeyay.

Capello ayaa lala xiriirinayaa booska Arsene Wenger ee kooxda Arsenal iyo waliba booska ka bannaan xilka xulka Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close