Neymar oo shardi aan suurogal ahayn ku xiray inuu sii joogo PSG

(Paris) 28 Maarso 2018 Neymar ayaa shardi aan macquul ahayn ku xiray inuu sii joogo kooxdiisa PSG oo uu ku biiray suuqii xaggaaga.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa lagu sheegay in Neymar uu shardi uga dhigay maamulka PSG in kooxdu ay la soo wareegto Zinadine Zidane haddii ay doonayaan inuu sii joogo kooxda.

Neymar ayaa u sheegay milkiilaha kooxda in tababare Zidane uu awood u leeyahay inuu ku hogaamiyo PSG inay sifiican uga soo dhex muuqato Champions League.

Shardiga Neymar ayaa u muuqda mid ku adag kooxda PSG taas oo ku qasbaysa inay iska fasaxaan si uu uga hoos ciyaaro tababaraha reer France.

Mustaqbalka tababare Zidane ee Real Madrid wali lama hubo maadaama kooxdu ay ku guul daraysatay u tartanka La Liga iyo Copa del Rey, laakiin waxaa la sugayaa rajada kaliya ee kooxdu ay leedahay xiliciyaareed kaan oo ah Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close