Jose Mourinho oo ku qanciyay mid kamid ah xiddigaha Real Madrid inuu u soo dhaqaaqo Premier League

(Manchester) 28 Maarso 2018 Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ku guulaystay inuu ku qanciyo mid kamid ah xiddigaha Real Madrid inuu u soo dhaqaaqo horyaalka ingiriiska.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in tababare Mourinho uu ku qanciyay Gareth Bale inuu dib ugu soo laabto Premier League.

Image result for Mourinho Bale

Bale ayaa Real Madrid ku qaatay 5-sano kadib markii uu ka tagay Tottenham sanadkii 2013, laakiin laacibka reer Wales ayaa ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo kooxda tababare Zidane.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay fasaxdo Gareth Bale haddii Manchester United ay bixinayso lacag dhan 130 milyan oo euro.

Tababare Mourinho ayaa isku dayay saxiixa Bale suuqii xaggaaga, laakiin laacibka reer Wales ayaa doorbiday inuu iska sii joogo kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close