Goolhaye Manuel Neuer oo Baaritaano lagu bilaabay markii uu dib ugu soo laabtay Tababarka

(Germany) 28 Maarso 2018. Goolhayaha xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Mauel Neuer ayaa usbuucan uun dib ugu soo laabtay tababarka kaddib muddo uu maqnaa.

Balse, Saraakiisha la dagaalanka Daroogada ayaa durba baaris ku bilaabay rugcadaaga Munich kaddib su’aalo ka yimid sida uu u soo kabtay.

Neuer oo isagu ka jabay lafaha cagta lugta ayaan garoomada cag soo dhigin tan iyo bishii September.
Saraakiishii baaritaanada ku bilaabay 32-jirka ayaa wax dambi ah ku waayay.

Manuel Neuer ayaa dhaawaca ka soo kabtay waqti muhiim ah maadaama uu u dagaalami karo booskiisa koobka adduunka ee Ruushka ka furmi doona bisha June.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close