“Dhaawaca Messi Muhiim ma ahan.”.

(Spain) 28 Maarso 2018. Inkastuu Lionel Messi seegay labadii kulan uu ciyaaray xulkiisa Argentina misane tababaraha Barcelona Ernesto Valverde, ayaa hoos u dhigay inay jiraan wax dhaawac halis ah haba yaraadaane.

Kaarto dajiyaha 54-jirka ah ayaa xaqiijiyay inuu ka warqabay dhibaatada uu muruqa ka qabo xiddigiisa, balse hoos u dhigay walaac ku aadan xaaladiisa.

“Messi wuxuu dhammeystay kulankii ugu dambeeyay ee Athletic waana run inuu qabo dhibaato yar,” Tababaraha Barca ayaa sidaa yiri.

“Waan daganahay maxaa yeelay waxaan aaminsannahay inaysan taa muhiim ahayn gabi ahaanba.

“Markii horeba ma walaacsaneyn, aynu aragno waxa uu dhab ahaan qabo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close