Coutinho oo aan la dhicin hees taageerayaasha Liverpool ay u sameeyeen Mohamed Salah

(Liverpool) 28 Maarso 2018 Philippe Coutinho oo suuqii janaayo ka tagay Liverpool ayaan la dhicin hees ay sameeyeen taageerayaasha kooxdiisii hore.

Taageerayaasha ayaa heesta ku sheegaya in Liverpool aysan wax iska badalayn xitaa markii ay iska iibiyeen laacibkoodii ugu fiicnaa ee Coutinho.

Heesta ayaa micno ahaan u dhacaysa sidaan: “Waxaan haysanaa Salah, Mane iyo Firmino, laakiin waxaan iska iibininay Coutinho”.

Mid kamid ah wariyayaasha ayaa Tunnel-ka kula kulmay Coutinho kulankii xulka Brazil uu 1-0 uga adkaaday Germany, wuxuuna Youtube-ka ka tusay heesta ay sameeyeen taageerayaasha Liverpool markii uu ka tagay kadib.

Wariyaha ayaa waydiiyay Coutinho inuu ka helay heesta iyo inkale, laakiin laacibka Barceona ayaa si cad ugu jawaabay “Maya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close