Burcadda Internet-ka oo si cajiib ah u dhacday naadi caan ah!

(Roma) 28 Maarso 2018 – Kooxaha internet-ka jabsada ee loo yaqaanno burcad-danabeed ama Hackers-ka ayaa sida lasoo werinayo u dhacay oo misna dhacay €2m oo euro oo ugu dambaysay lacagtii ay Feyenoord Lazio kaga lahayd iibkii Stefan de Vrij.

Sida ku qoran Il Tempo, Lazio ayaa dabinka ku dhacday ka gadaal markii loosoo diray E-mail wata baajka iyo magaca kooxda Feyenoord, kaasoo Lazio looga dhigay mid ka yimi naadiga Dutch-ka ah.

Warsidaha ayaa wuxuu intaa raacinayaa in Aquile ayaa deeto lacagtii dirtay iyadoo adeegsanaysa khasnaddii la siiyay, balse waxaa markii dambe soo baxday in aanay kooxda horyaalka Eredivisie aanay lacagtaa helin.

Waxaa intaa dheer, in Lazio loo sheegay inay lacagta u diraan qofka E-mail-ka soo diray, maaddaama loogu sheekeeyay in la bedeley lambarkii IBAN-ka, waxaana haatan kaddib baaritaan la sameeyay la ogaadey inay lacagtu gashay Banki Dutch ah.

Laacibkan 26-jirka ah ayaa xagaagan Lazio kaga tegaya qaabka xorta ah kaddib markii uu qandaraaskiisu dhamaaday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close