Suarez oo uga digay Barcelona qorshe halis ku ah kooxda oo ay maleegayso PSG

(Barcelona) 27 Maarso 2018 Weerar yahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa uga digay maamulka kooxdiisa qorshe halis ku ah kooxda oo ay maleegayso PSG.

Kooxda reer France ayaa xaggaagii hore si lama filaan ah uga qaadatay Barcelona laacibkoodii hore ee Neymar, markale ayeeyna kooxdu ka kaluumaysan doontaa Camp Nou dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Image result for sergio busquets PSG

Sida ay baahisay Don Balon, Luis Suarez ayaa uga digay kooxdiisa Barcelona qorshe PSG ay ku doonayso inay ku qaadato Sergio Busquets suuqa xaggaaga.

PSG ayaa diyaar u ah inay bixiso qiimaha lagu burburin karo heshiiska Sergio Busquets kaas oo ah 200 milyan oo euro oo u dhiganta 176 milyan oo Ginni.

Kooxda reer France ayaa mushaar qaali ah ku soo jiidanaysa 29 jirka reer Spain si uu u aqbalo inuu u dhaqaaqo caasimada Faransiiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close