SPAIN VS ARGENTINA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Madrid) 27 Maarso 2018 – Estadio Wanda Metropolitano ayaa caawa marti gelin doona ciyaar xiise badan oo dhexsan doonta labada xul ee ka kala socda labada Latin ee Yurub iyo America ee Spain iyo Argentina.

Dhanka Spain

Spain oo loo marti yahay ayaa ku bilaabanaysa saf xiddigo miiran ah, maaddaama aanu xulkaasi dhibaato dhaawac qabin haatan.

Kaddib barbarrihii Germany, wuxuu macallin Julen Lopetegui doonayaa inuu fursad siiyo da’yarta Marco Asensio iyo Saul Nigurez oo beddeli doona David Silva iyo Thiago Alcantara.

Dhanka Argentina

Xulka Jorge Sampaoli ayaa waxaa la degey dhaawacyo badan. Angel Di Maria ayaa ciyaartii ugu dambaysay looga saaray dhaawac muruqa ah, si la mid ah, qannaaska Manuel Lanzini ayaa ciyaartan ku seegaya dhaawac jilibka ah, waxaase weerarka ka beddeli doonaa nin culus Lionel Messi.

Waxaa dheer, Sergio Aguero, oo ka fadhiyey kulankii Talyaaniga, ayaan u safri dooni Spain, maaddaama uu la tacaalayo dhaawac jilibka ah.

Shaxda suurtagalka ah ee Spain (4-3-3)

GK: De Gea

DEF: Carvajal (RB), Pique (RCB), Ramos (LCB). Alba (LB)

MID: Koke (RM), Niguez (CM), Iniesta (LM)

FOR: Isco (RF), Rodrigo (CF), Asensio (LF)

Shaxda suurtagalka ah ee Argentina (4-3-3)

GK: Romero

DEF: Bustos (RB), Otamendi (RCB), Fazio (LCB), Tagliafico (LB)

MID: Celso (RM), Mascherano (CM), Banega (LM)

FOR: Messi (RF), Higuain (CF), Perotti (LF)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close