SAWIRRO: Lix Bilood kaddib Manuel Neuer oo dib ugu soo laabtay Tababarka

(Munich) 27 Maarso 2018. Rugcadaaga Bayern Munich Manuel Neuer ayaa Lix bilood uu dhaawac ku maqnaa kaddib dib ugu soo laabtay tababarka.

Shabaq ilaaliyaha reer Germany ayay maalin wayn u ahayd maadaama uu sidoo kale u dabaal degayay sanad guuradiisii 32-aad.

Neuer ayaan garoomada cag soo dhigin tan iyo bishii September kolkaa uu ka jabay lafaha cagta lugta.

Waxaa la filayay inuu soo laaban doono Janaayo laakiin tababarka soo kabsashada uu sameynayo wuxuu caddeynayaa waqti ka dheer kii la filayay.

Sikastaba, Bayern Munich ayaa boggeeda ugu soo hambalyeesay goolhaye Neuer maadaama uu 32-jirsaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close