Ogoow sirta ka danbaysa dabaal dagii Pogba ee goolkii caawa uu ka dhaliyay Ruushka

(Moscow) 27 Maarso 2018 Xulka qaranka France ayaa caawa 3-1 uga adkaaday xulka qaranka Russia oo ay marti u ahaayeen, Pogba ayaana dhaliyay mid kamid ah 3-daas gool.

Pogba ayaa funaanadiisa kor u qaaday wuxuu la soo baxay funaanad hoos gashi ah taas oo si gaar ah uu ugu xusayay aabihiis oo geeriyooday.

Laacibka xulka France ayaa laad xor ah oo cajiib ah u dhaliyay xulkiisa kulankii caawa, wuxuuna u hadiyeeyay goolkaas aabihiis.

Pogba ayaa la soo baxay funaanad uu ku soo qoray: “Dhalasho wacan aabe, Alle ha kuu naxariisto”.

Waa markii ugu horaysay tan iyo markii lagu soo daray xulka qaranka ee Pogba uu hal kulan gudihiis gool dhaliyo isla markaana uu gool kale caawiyo.

Labada gool kale waxaa xulka France u dhaliyay weerar yahanka PSG ee Mbappe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close