Neymar oo doonaya in Laacibkan uu kula biiro Real Madrid….!!!

(Europe) 27 Maarso 2018. Neymar ayaa si wayn lala xiriirinayaa inuu u soo dhaqaaqi doono gegda Beranbeu.
Yeelkeede, warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in laacibkii hore ee Barcelona uu doonayo inuu Real Madrid kula biiro Goolhayaha ay isku dalka yihiin ee Alisson, sida uu warinayo Don Balon.

Neymar ayaa doonaya inuu xarfaan badan oo reer Brazil ku heysto qolka dhar badelashada Real Madrid xilli ay horey kooxda u joogeen Marcelo iyo Casamiro.

Goolhayaha Roma Alisson ayaa dooq cad u ah camaaliqada Spain.

Shabaq ilaaliyaha reer Brazil ayaa sidoo kale soo jiitay xiisaha kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, tababare Jurgen Klopp ayaana si daran isugu dayi doona sidii uu u keeni lahaa Anfield.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close