WAR CUSUB: Milkiilaha Miami Dolphins oo lala xiriirinayo iibsiga Milan

(Milano) 27 Maarso 2018 – Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in milkiilaha Miami Dolphins ee Stephen M. Ross uu sharikadda Elliot wax ka waydiiyey kooxda Milan.

Kooxda Rossoneri ayaa waxaa sanadkii tegey bishii Abriil iibsadey ganacsadaha Chinese-ka ah ee Yonghong Li, balse wuxuu €300m kasoo amaahday hay’ad Maraykana oo la yiraahdo Elliott Management, taasoo hay’adda Milan maamusha ee Rossoneri Sport Investment ay ka qaadatay €180m, halka €123m naadiga la geliyay.

Haddaba waxaa soo badanaya walaaca ku xeeran inuu Li qaantaa u gudi karo Elliott marka la gaaro Oktoobar sanadkan, iyadoo sidaa darteed uu Corriere dello Sport maanta qorayo in Elliot ay durba raadinayso milkiilayaal iibSada Milan.

Ninka la yiraahdo Stephen M. Ross, oo iska leh Miami Dolphins oo ka dheesha NFL, ayaana hay’addaa xog ka waydiyay Milan.

Ross oo ka mid ah ragga bilaabay koob xagaaga International Champions Cup, ayaa muddo raadinayay inuu iibsado koox Yurub ah, wuxuuna sida lagu qoray Forbes, uu 77-jirkani haystaa adduun dhan $12bn.

Corriere dello Sport ayaa tilmaamaya, in waloow aysan waydiinta Ross ka dhignayn inuu kooxda iibsanayo, ay misna rag badani kooxda doonayaan sida maalgashade Qatari ah oo la yiraahdo Saeed Al-Falasi, sidoo kale ninka saamiga ku leh Arsenal ee Alisher Usmanov, ayaa la hadal hayey in kastoo uu warkaasi beeniyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close