Manchester City oo Hormar ka sameysay Dadaalkii ay ugu jirtay Saxiixa Eden Hazard

(Manchester) 27 Maarso 2018. Manchester City ayaa la warinayaa inay horumar ka sameysay isku daygeeda saxiixa xiddiga Chelsea ee Eden Hazard.

Wiilka reer Belgium ayaa si joogta ah lala xiriirinayay Camaaliqada Spain ee Real Madrid halka sidoo kale horey loola xiriiriyay PSG.

Sida uu sheegayo warsidaha Don Balon, Macallinka Man City Pep Guardiola ayaa sidoo kale xiiseynaya inuu soo shaqo galiyo Hazard kaddib markii uu bishii Janaayo ku guul darreystay saxiixa Alexis Sanchez oo ku biiray dariska.

Warsidaha ka soo baxa Spain ayaa sheegaya in hogaamiyayaasha Premier League ay durba wada hadalo la sameeyeen wakiilada Eden Hazard.

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka ayaa la aaminsan yahay inuu sugi doono ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa, laakiin indhihiisu waxay inta badan hayaan Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close