Lionel Messi oo qiray in Koobkan Adduunka uu…..

(Europe) 27 Maarso 2018. Laacibka Shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Lionel Messi ayaa qiray in koobka adduunka ee lagu qaban doono Ruushka bisha June ay u badan tahay inuu noqdo kiisii ugu dambeeyay.

30-jirka ayaaba kol hore ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah balse la soo baryay dibna loogu soo celiyay.
“Tan ugu badan ayaan bixinaa markasta. Waxaan gaarnay saddex Final mana aysan dhicin maxaa yeelay Ilaah nalama doonin.” Messi ayaa sidaa yiri.

“Waxaan aadeynaa Koobka Addduunka sida inuu yahay fursadii ugu dambeysay. Furadii ugu dambeysay.
“Ma jiro mid kale, waa inaad ka fikirtaa koobkan adduunka sida kii ugu dambeeyay iskuna day inaad ka faa’iideysato fursada.

“Koobka adduunka kaddib, Jiil muhiim ah ayaa tagaya ciyaartoy badan ayaana la badeli doonaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close