Hazard oo Diyaar u ah inuu Conte uga ciyaaro Boos kasta xitaa……

(Europe) 27 Maarso 2018. Eden Hazard ayaa ku faraxsan inuu ka ciyaaro boos kasta uu Antonio Conte la doonayo.

Xiddiga reer Belgium ee garabka midig ka duuli jiray ayaa inta badan xilli ciyaareedkan laga ciyaarsiinayay False No.9.

Wararka ayaa soo jeediyay in Hazard uu aad uga carooday in booskaasi laga ciyaarsiiyo, balse xiddiga oo gudanaya waajibaadka xulkiisa ayaa sheegay in sheekadu ay sidaa ahayn balse uu ku faraxsan yahay meel kasta uu la doono macalinka reer Talyaani.

“Waxaan doonayaa uun inaan garoonka ku jiro. No.9, No.10 – Waxaan ka ciyaari karaa daafaca garabka bidix haddii uu tababaraha doonayo, dhibaato malahan.” Hazard ayaa sidaa yiri.

“Waxaan bixin doonaa wax kasta sida aan waqti kasta sameeyo.”.

Warkan ayaa imaanaya kaddib markiii uu tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez sheegay inuu xiddigiisa ka ciyaar siin doonin booska uu Conte ka ciyaarsiiyo.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close