Emre Can oo ka hadlay wararka ku aadan Mustaqbalkiisa

(England) 27 Maarso 2018. Xiddiga Qadka dhexe ee Liverpool Emre Can ayaa ka hadlay wararka la xiriira mustaqbalkiisa Anfield.

24-jirka ayaa lala xiriirinayay inuu ka dhaqaajin doono kooxda ka dhisan Merseyside maadaama uu qandaraaskiisu dhici doono dhammaadka kal ciyaareedkan.

Sida ay sheekadu iminka tahay, Can oo isagu loo calaamadeeyay sida bartilmaameed camaaliqada Sereie A, weli heshiis cusub lama uu gaarin Liverpool.

Waxaa usbuucii tagay soo ifbaxay warar sheegaya inuu diyaar u yahay inuu u ciyaaro koox wayn kal ciyaareedka soo socda.

Kaddib markii dhibaato dhabarka ah looga saaray shaxda Germany, wuxuu ku soo hadlay Instagram isagoona soo qoray:

“Waxaan iminka ka soo laabtay waajibaadka xulka qaranka Germany waxaana ka shaqeynayaa sidii aan uga soo laaban lahaa dhaawac.

“Sheekooyinka xiisaha leh ay saxaafada iga baahineyso aniga, kama jawaabayo wararka beenta ah iyo xanta suuqa, waxaan si xiiso leh ku sugayaa inaan dib ugu soo laabto garoomada.”.

Ma kala cadda haddii uu Can taam u noqon doono kulanka Premier Leauge ay ku wajihi doonaan Crystal Palace.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close