Alonso oo iska indho tiraya inuu dib ugu laabto Real Madrid

(London) 27 Maarso 2018. Daafaca Chelsea Marcos Alonso ayaan wax dareen ah siineyn wararka soo jeedinaya inuu goor dhow dib ugu laaban karo asalkiisa Real Madrid.

27-jirka ayaa ku dhashay kuna soo bar baaray caasimada Spain, Wuxuuna ku biiray Akaadamiyada Los Blancos.

Qaab ciyaareedka fiican uu ku jiro tan iyo sidii uu ugu soo dhaqaaqay Stamford Bridge 2016-kii ayaa keentay in lala xiriiriyo inuu dib ugu laabanayo Madrid, balse laacibka ayaa dhagaha ka fareystay wararkaasi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close