Ramos oo waydiistay madaxwaynaha Real Madrid inuu kooxda keeno laacib ka tirsan Chelsea iyo Perez oo aqbalay (Ma ahan Hazard iyo Courtois)

(Madrid) 26 Maarso 2018 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa aad uga helay mid kamid ah ciyaartoyda kooxda Chelsea, wuxuuna ka codsaday madaxwaynaha kooxda in la keeno Bernabeu.

Florentino Perez ayaa isbadal wayn la damacsan kooxdiisa Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan markaas oo kooxdu ay iska dirayso ciyaartoy dhawr ah, waxayna soo qaadanaysaa kuwo kale.

Sida ay baahisay Don Balon, Kabtan Ramos ayaa ka codsaday madaxwaynaha kooxdiisa inuusan iska dayicin fursada saxiixa laacibka Chelsea ee Marcos Alonso.

Image result for Marco Alonso Real Madrid

Ramos ayaa aad ula dhacsan qaab ciyaareedka laacibkii hore ee Real Madrid kaas oo sidoo kale diirada u saaran kooxda Barcelona.

Marcos Alonso ayaa ka ciyaari kara boosas badan sida daafac bidix iyo waliba garab weerar oo lagu sii daray inuu ka ciyaari karo qadka dhexe haddii loo baahdo.

Florentino Perez ayaa aqbalay codsiga Ramos, wuxuuna diyaarsaday lacag dhan 52 milyan oo Ginni oo u dhiganta 60 milyan oo euro si uu Chelsea ugu qanciyo iibka Marcos Alonso.

Image result for Marco Alonso Real Madrid

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close