Messi oo ugu dambeyn daaha ka rogay sababta ay Xulka Argentina ugu wada ciyaari Karin isaga iyo Dybala

(Europe) 26 Maarso 2018. Lionel Messi iyo Paulo Dybala ayaa u wada ciyaarin inta badan xulka Argentina iyadoo uu ugu dambeyn laacibka Barcelona iminka daaha ka rogay sababta.

Messi ayaa sheegay in isaga iyo xiddiga Juventus ay ku wada raaxeystaan inay ka ciyaaraan dhanka midig ee garoonka taa oo aad u adkeysay inay xulka Argentina ku noqdaa iskaashato fiican.

Kabtanka xulka lagu naaneyso Albiceleste ayaa qiray inay isku qaab u ciyaaraan isaga iyo Dybala taa oo keeneysa inay lamaane fiican wada noqon karin.

“Waxaan Dybala kala hadlay wararkan ay dadku leeyihiin, wixii uu sheegayna runta ayay ahayd”, Messi ayaa sidaa u sheegay FoxSports.

Natiijada sawirka Dybala vs Messi

“Juventus sideyda oo kale ayuu ugu ciyaaraa, Waxaan eeganaa boosas isku mid ah, marka uu xulka igala ciyaarayo waa inuu inta badan Bidixda ka ciyaaro, laga yaabee inuusan u baran midaa.

“Way nagu adag tahay inaan ka ciyaarno dhanka bidix, Waxaa yar intaan u bareero dhanka bidix. dhanka midig gudaha ayaan u soo jabin karnaa kubbada, garoonka oo dhan ayaana markaa horteena nooga muuqanaya.

“Runta ayaa ah inaan dhabtii fahmay waxa uu ula jeeday, ma jiraan wax u baahan in la caddeeyo.”.

Xulka Argentina ayaa talaadada kulan saaxiibtinimo la yeelan doona Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close