Messi oo ku raacay Coutinho iyo Suarez in xiddigaan la keeno Barcelona

(Barcelona) 26 Maarso 2018 Lionel Messi ayaa ugu danbayntii aqbalay soo jeedin uu ka helay Philippe Coutinho iyo Luis Suarez kuwaas oo dalbaday in kooxda la keeno Mohamed Salah.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Messi uu ogolaaday in Barcelona ay la soo wareegto weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Coutinho ayaa la wadaagay fikirkaas saaxiibkiis Luis Suarez, wuxuuna u sheegay inuu jeclaan lahaa in Barcelona ay iska dhaafto saxiixa Griezmann isla markaana badalkiisa la keeno kooxda Salah.

Luis Suarez kadib, Messi ayaa markiisa ku raacay asxaabtiisa Barcelona in kooxdu ay la soo wareegto Mohamed Salah isla markaana ay ka baxdo heshiiska ay ku doonayso weerar yahanka Atletico Madrid.

Salah ayaa haatan ah laacibka hogaaminaya gool dhalinta horyaalada ugu wayn qaarada yurub, wuxuuna dhaliyay 28-gool 30 kulan oo uu ciyaaray horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close