Gacalisasda Isco oo Hanjbaad Dil ah la kulantay…(Ninkeeda oo sabab u ah… Sidee????)

(Spain) 26 Maarso 2018. Sara Salamo ayaa Gacaliyaheeda Isco dartii, hanjabaad Dil ah la kulantay.

Gabadha saaxiibka la ah kubbad qaabeeyaha Real Madrid ayaa weli lagu eedeynayaa inay iyadu sabab u tahay hoos u dhaca ku yimid Isco iyadoona Twitterka loo soo dhigay Hanjabaad Dil ah.

Dhawaan, Warbaahinta ayaa ku eedeysay Sara Salamo inay iyadu masuul ka tahay qaabka noloshiisa, iyadoona markaa sheegtay in kuwa sidaa yiri ay sharciga la tiigsan doonto.

Sheekada ayaa iminka sii fogaatay kaddib markii ay Salmo baggeeda ku soo qortay:

“Hello, Police. Ninkaan isku sheegaya Dumar Necebka wuxuu ii soo dirayaa Fariimahan.”.

Fariinta loo soo diray Gacalisada Isco ayaa la tir tiray balse waxaa la sheegay inay ahayd: “Maalmahaagu way tirsamaan”.

Booliska ayaa u soo jawaabay Salmo oo talo ka siiyay sida ay tahay inay u dhaqanto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close