DEG DEG: Dekadda oo Guul ku furatay Wajiga labaad ee Somalia Premier League

(Muqdisho) 26 Maarso 2018. Naadiga Dekadda ayaa la joojin la’yahay iyadoo guul ku furatay wajiga labaad ee horyaalka Somalia Premier League kaddib markii ay galabta 4-1 ku xaaqday kooxda Woxool.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay iyadoo ay Dekadda 1-0 ku hogaamineyso.

Bile Bashiir ayaa hogaanka u dhiibay, sidaa ayaana lagu kala nastay dheesha qeybta hore.

Markii la isku soo laabtay Abdimaajid ayaa goolka labaad u saxiixay Dekadda halka uu Feysal ka kacay labo gool taa oo la minco ah inuu ku fadhiyo hogaanka gool dhalinta horyaalka.

No automatic alt text available.

Guusha ayaa uga dhigan Dekadda inay hogaanka ku heyso 24 dhibcood, balse Horseed ayaa ku dhibco noqon doonta haddii ay soo adkaato waayo waxay iminka leedahay 21-dhibcood.

Woxool waa kooxda ugu hooseysa Somalia Premier League oo waxay wadataa 5-dhibcood 10-kulan ay ciyaartay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close