Thibaut Courtois oo dhaawac ku seegaya kulanka xulka Sucuudiga iyo Chelsea oo wal walsan ka hor kulanka Tottenham

(London) 25 Maarso 2018 Thibaut Courtois ayaa la xaqiijiyay inuu si rasmi ah u seegayo kulanka xulkiisa Belgium uu la ciyaarayo talaadada xulka qaranka Sucuudiga.

Goolhayaha reer Belgium ayaa la dhibtoonayay dhaawacaan tan iyo kulankii kooxdiisa Chelsea ay guusha ka gaartay Leicester City koobka FA Cup-ka.

Xiriirka kubadda cagta Belgium ayaa xaqiijiyay in Thibaut Courtois uu seegayo kulanka xulka sucuudiga, waxaana durba uu wal wal soo wajahay kooxda Chelsea.

“Thibaut Courtois kama soo caafimaadin dhaawicii dhanka jilibka ee uu qabay wuuna ka tagay xulka, Roberto Martínez ayaa goor dambe go’aamin doona goolhayaha badalkiisa ciyaari doona kulanka xulka Sucuudiga, waxaan rajaynaynaa inaad goor dhaw caafimaado Thibaut” ayaa lagu soo qoray Bogga rasmiga ah ee xulka Belgium uu ku leeyahay Twitter-ka.

Chelsea ayaa axada dambe marti qaadi doonta kooxda Tottenham oo ay isku haystaan booska 4-aad, kooxda tababare Conte ayaa ka cabsi qabta in Thibaut Courtois uu dhaawac ku seego kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close