NAXDIN KALE: Laacib Croatian ah oo garoonka ku dhex dhintay + Sawirro

(Marsonia) 25 Maarso 2018 – 3 todobaad unbaa laga joogaa geeridii kabtankii Viola ee Davide Astori oo ay weli wayntiisa la barooranayso kubadda cagta Talyaanigu, balse waxaa dhacday geeri kale.

Intii ay socotey ciyaar horyaalka heerka 3-aad ee Croatia ee Treća HNL, ayaa waxaa garoonka ku dhex dhintay Bruno Boban oo dadabka midig uga dheela Marsonia.

Boban oo 25 jir ahaa ayaa garoonka ku dhex dhacay jeer ay ciyaartu 15 daqiiqo uun socotey, dib dambena uma istaagin, waloow ay dhakhaatiirtu holliyeen inay la tacaalaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close