Maxamed Saalax oo Saaxiibadiisa dhow dhow u sheegay in…….

(England) 25 Maarso 2018. Maxamed Saalax ayaa saaxiibadiisa dhow dhow u sheegay war aad u faraxad galiyay Jamaahiirta Liverpool balse niyad jabiyay Real Madrid.

Wiilka reer Masar ayaa lagu wadaa inuu iska diido Camaaliqada Spain si uu heshiis qaali ah ugu saxiixo kooxdiisa, sida ay warineyso jariiradda afka dheer ee The Mirror.

Wacdaraha waalida ah uu Maxamed kal ciyaareedkan ka dhigayo Premier League ayaa soo jiitay indhaha Real Madrid, laakiin wiilka Masaariga ah ayaa saxiibadiisa dhow dhow u sheegay inuu rajeynayo inuu sii joogo England.

Natiijada sawirka Mohamed Salah Real Madrid shirt

Liverpool ayaa diyaar u ah inay Maxamed Saalax ku abaal mariso heshiis cusub kaa oo usbuuciiba ku qaadan doono 200,000, iyadoo uu Jurgen Klopp doonayo inuu kooxda ku dul dhiso xiddigan.

25-jirka ayaa waxaa sidoo kale shiishka ku haya Barcelona iyo PSG.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close