“Maku laaban doontaa Arsenal? ” Aqri jawaabta Fabregas oo qalbi ruxay jamahiirta Arsenal

(London) 25 Mar 2018. Laacibka khadka dhexe ee Chelsea ayaa qiray in uu mar uun dib ugu laaban doono Arsenal – laakin waa qaab taabarenimo mustaqbalka.

Fabregas waxa uu sideed sano oo u dhexeysay 2003 ilaa iyo  2011 ku qaatay Arsenal kaddib markii uu isaga oo 16 jir a kaga soo biiray carbiska Barcelona waxa uuna u saftay 300 kulamo ka badan.

Arsene Wenger ayaa diiday in uu ka faa’ideysto fursad uu 2014kii dib ugula soo wareegi karay, laakiin marka laga yimaado in uu jamaahiirta Gunners kala kulmay dagaal carro wata maadama uu ku biiray Chelsea oo ay is xifaaliyaan, Spainiard-ka meesha kama saarin suurgalnimada uu mustaqbalka ugu laabanayo kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Suaalo iyo jawaabo uu ku bixinayey xaqlo Twitter-ka ah aayaa waxaa uu weydiiyey mid ka mida kuwa barahaas adeegsada: “Mustaqbalka tababare ahaan ma ugu laaban doontaa Arsenal hadaad fursadda hesho?”

JAWAABTA FAREGAD: “Dabcan”.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close