Ma ogtahay in Maxamed Saalax uu Gabadhiisa ugu Magac daray Dhulka uu ILAAHEY ugu Jecelyahay, Mise Ogtahay in AROOSKIISA!!???

(Europe) 25 Maarso 2018. Maxamed Saalax ayaa wacdaro waali ah ka dhigaya Premier League tan iyo sidii uu dib ugu soo laabtay.

Wiilka Masaariaga ah ayaa iminka hogaaminaya gool dhalinta Premier League iyo waliba mida kobta Dahabka ee shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.

Sidoo kale wuxuu noqday laacibka xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay goolasha ugu badan u dhaliya Taariikhda Liverpool 36-gool.

Haddaba aqri sheeko yar aadan ka garaneyn wiilka Muslimka ah.

Maxamed Saalax ayaa guursaday Magi 17-dii December 2013, Xaflad Aroos oo aad u wayn ayuu ku dhigtay xaafada Ngrig ee dalka Masar.

Qoyska Maxamed ayaa xaafada oo dhan ku casuumay Arooska wiilkooda, waxaana la sheegay inay ka soo qeyb galeen kumaanaan dadyoow.

Ma ogtahay inuu Gabadhiisa u bixiyay dhulka uu ILAAH ugu jecel yahay ee Makah?

Maxamed Saalax ayaa guurkiisa kaddib ilaah ku irsaaqay Gabar uu ugu magac daray dhulka Barakeysan ee Makah, taa oo uu aad u jecel yahay isla markaana uu marar badan muujiyay.

Waxaa xitaa la sheegay inuu gabadhiisa magaceeda qoraal ahaan ka dhigay Mekka isagoo diidan inay dadka u dhigaan ‘Mecca’, maadaama uu ka cabsi qabay inay u magac ekaato ‘Mecca Bingo’ oo ah goob caan ah oo lagu ciyaaro Game-ka, qamaarka iyo wixii la mid ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close