MA ADINKAA WAX ARKAY! Ronaldo oo soo ogaaday arin ay ku heshiiyeen Barcelona iyo Messi oo ka caawin doonta in uu…….?) (Ballon d’Or iska daayee xittaa arimihii gaarka ahaa waa isugu dhagan yihiin!)

(Madrid) 25 Mar 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in Cristiano Ronaldo ogaaday In Barcelona heshiis kula gashay Argentina in ay Lionel Messi NASIYAAN.

Ronaldo iyo Messi waxa ay meel iska dhigi doonaan xifaaltankii Barcelona iyo Real Madrid marka uu xagaagan bilowdo koobka aduunka ee Russia ka dhici doona.

Labada waxa gunaanad ku soo dhawaaday waayahoodii saree e xirfaddooda oo waxa uu koobkan aduunka noqon doona kii ugu dambeeyey ee ay saaxadda caalamka ka soo muuqdaan.

Ronaldo waxa uu u muuqday mid jawi liita ku bilaabay ol’olihiisa bilowgii laakii dhawaan ayuu saanta dhulka la helay.

Majaladda ka soo baxda Spain ee Diario Gol ayaa sheegeysa in Ronaldo ogaaday in Barcelona ay wax walba u sameeneyso in ay caawiso Messi.

Xiddigga Argentina waxaa ka go’an wax walba oo ay ku qaadato in uu ku guuleysto koobka aduunka.

Waxa uu ka mid ahaa 2006 – 2010 Argentine-tii ay reebeen Germany.

Sidoo kale waxa ay ahaayeen kooxdiisa Joachim Low   kuwii afar sano kahor uga guuleystay fiinaalihii koobka aduunka.

Diario Gol, waxa ay sheegtay in Ronaldo ogaaday in Messi heshiis la galay Ernesto Valverde.

Waxaa la sheegay in Messi heshiiska ku galay in uu doorto ciyaarta uu doonayo in uu dheelo iyo midda uu doonayo in uu ka fariisto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close