LA YAAB! Lionel Messi oo ku amray tababaraha Barcelona Ernesto Valverde in uu 5 ciyaaryahan ka eryo kooxda – Ogow kuwa ay yihiin iyo wax uu ku haysto!

(Catalonia) 25 Mar 2018. Lionel Messi waxa uu ku amray tababaraha Barccelona Ernesto Valverde in uu shan ciyaaryahan ka eryo safkiisa.

Messi haatan waxa uu waajibaad qaran kula maqan yahay Argentina walow kaydka uu fadhiyey kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Italy.

Laakiin 30 jirka waxa uu kooxda u muujiyey dareenkiisa kahor inta uusan aadan xulka.

Sida laga soo xiganayo Diario Gol, Messi waxa uu kulan la yeeshay tababaraha Barca, Valverde waxa uuna kala hadlay qaar ka mida ciyaaryahanda kooxda.

Messi waxa uu aaminsan yahay in shan ciyaaryahan oo jooga Barca aysan u qalmin Camp Nou.

Andre Gomes, Paco Alcacer, Aleix Vidal, Lucas Digne iyo Denis Suarez waa laacibiinta lumiyey kalsoonida Messi.

Laacibka khadka dhexe ee Spain, Suarez ayaa uu dhawaa in uu boos ka helo kooxda kowaad ee Barca laakiin dhawaantan waxba fursad ah ma lama siin.

Kaddib markii ay Barca £142million kaga soo qaadatay Liverpool Coutinho iyo imaanshaha Arthur ayaa ka dhigan in waqtigii Suarez dhammaaday.

Waxyaabo waa weyn ayaa laga filayey Gomes markii ay Barca £42m kaga soo qaadatay Valencia laakiin waxaa booska kala baxay Paulinho.

Alcacer isna fusard fiican lama siin marka laga yimaado 6 gool oo uu 17 kulan ku dhaliyey.

Daafacda garab dambeedka ah ee kala ah Vidal iyo Digne iyagana Messi uma arko kuwo u qalma Camp Nou maadama ay boosaskooda hadda kala haystaan Alba iyo Sergi Roberto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close